19 Luulyo 2015 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 06:04 SGA 03:04 GMT

Filimkii ugu horreeyey ee Soomaali ay samayso ayna jilayso ayaa xalay lagu soo bandhigay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

19 Luulyo 2015 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 06:04 SGA 03:04 GMT

Filimkii ugu horreeyey ee Soomaali ay samayso ayna jilayso ayaa xalay lagu soo bandhigay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Filimka oo la magac baxay The Mistaken, waxaa sameeyey oo jilay koox la yiraahdo dhallinyarada IsliiWood, waxaana uu ka hadlaayaa sida dhallinyarada loogu adeegsado xumaha.

Waxaa sidoo kale filinka uu ku saabsan yahay dhaqanka iyo ficilada dembiyada ah.

Filimka oo loo sameeyey qaab la mid ah sida aflaamta reer galbeedka ayaa waxaa daawashadiisa isugu yimid dad badan.

Axmed Xaji Xasan oo ka mid ahaa dadkii daawaday ayaa warbixintan nooga diyaariyay.

Filimka waxa uu lamagac baxay The Mistaken,

Kahor intaan la daarin filimka, waxaa daawadayaasha lagu madadaaliyay heeso.

Dhallinyaro badan ayaa daawatay filimka, kuwaas oo dhacay sida loo jilay.

Filimka waxa uu leeyahay dagaal, baaritaan iyo saaxiibtinimo.

Jilaaga koobaad ee filimka, Xasan oo marka hore gabar afduubtay ayaa saxiib la noqonaya Qaali Ladan.

Qaali ladan waxa ay filimka ku jileysaa inay saxiib la tahay atariishada.

Daawadayaasha waxa ay jecleysteen inay filimka oo dhameystiran helaan.

Dadka daawaday waxay isugu jireen odayaal iyo dhallinyaro.